Post View....

Rag Horay Looga Quustay Oo Qaylinaayo Iga Dheh!!!

0
72

inta badan Soomaalidu waa dad sharaf leh, oo aan jeclayn quursiga, yasniinka iyo islawaynida, waa umad iska fekerta oo jecel xornimada, isla noolaanshaha, kuna dadaasha sifa kasta oo kor u qaadaysa dadnimadooda, diintooda iyo dawladnimadooda- inkasta oo ay ku jiraan dad aad u tira yar oo mar kastaa ka horjeeda wixii wanaagsan oo ay umadda inteeda kale isku raacsan tahay.

Dadkaan dambe waxaa ugu daran uguna af dheer qaar mas’uuliyiin hore ahaa oo mar kale damac kaga jiro in ay mar kale gacanta ku dhigaan talada dalka, haddana ku socda ama u maraya jid aan ahayn kii saxda ahaa maadaama markii hore ay ka faraqabsadeen hantidii umaddu lahayd oo ay iyaga masuulka ka ahaayeen, cid ka yuraysana ay waayeen, haddana doonaya in mar labaad ay haddana boobaan sidii hore si ka daran oo aan naxariis lahayn,
Mar kasta waxay wax ka sheegaan wax qabadka toosan ee dawladda la timid iyo horumarka ay gaartay waqtigii ay jirtay, ragaan iyaga oo u jeeda in laga hawlkarsan yahay, laga wadaniyadsan yahay ayay isku dayaan in ay shacbiga ka indhasaabaan wanaaga socda, waxayna isku dayaan in ay fasiraad aan sax ahayn ka bixiyaan hawsha socota.
Nasiibdarada ugu wayn waxay tahay in raggaan ay quuri waayeen wixii ay iyagu qaban waayeen markii ay dalka hor boodayeen oo hortooda lagu xaqiijinayo ama lagu samaynayo, taas oo laabahooda ka buuxisay caro,xaasidnimo, iyo xiqdi waxayna iloobeen in ay mas’uuliyiin hore ahaayeen oo dalka iyo dadka sharaf xoogan ku leh, waxayna u dhaqmeen sidii kuwii la dhihi jiray ciyaal Faa Cali oo hadda ka hore magaalada muqdisho ka kacay oo waxyeelo ba’an u gaystay qaar ka mid ah dadka ku dhaqanaa xamar cadde.
Waxaa la yaab leh Kii ka hinaasa shaqada uu horay u soo qaban waayey oo indhahiisa hortiisa lagu xaqiijiyey hirgalinteeda, isaga ha u qaban waayo shaqadaas aqoondardiisa, ha u qaban waayo munaafaqnimadiisa, ha u qaban waayo dareen la’aanta ku jirta iyo damiirkiisa xun oo aan tusin in shqadaas maanta uu awood u leeyahay in uu u qabto umadiisa ee qof ahaan uu ka seexday, haddana waxaad arkaysaa isaga oo goobaha marka uu yimaado xishood daradiisa ku hanjabaya in uu ka soo jeedo qawmiyad adag oo tiro iyo tayo ilaaheey siiyey isla markaana wax uusan isaga samaynin uu qof kale aysan samayn karin ama ku dhaaranaya in uu dalka iyo dadka uu galin doono kacdoon hor leh iyo dagaal sokeeye haddii la yeeli waayo sida uu isaga wax u doonayo.
Runtii waa ayaan daro adiga oo horay loo soo arkay waxqabadkaaga hagarta ku jirto, iyo aqoon daradaada maamul in aad mar kale tiraahdo waxaan rabaa in mar kale la i caleemo saaro, adiga oo la wada ogayahay in aadan Ehel u ahayn habmaamulka dawladeed ee ilbaxnimada cusub la jaanqaadi karta.
waxaa kaloo raggaan ku jira qaar shisheeyaha ku adeegto oo wixii loo soo yeeriyo iyaga oo aan ka fekerin waxyeelada ay u gaysan karto dadka iyo dalka Soomaaliyeed mustaqbalka dhaw iyo midka fog ee soo socda sida ay tahay u fuliya oo uun eegta xogaaga lacagta ah oo ay shaqsi ahaanta u helayaan xitaa haddii ay iyaga nafahooda ku waynayaan.
Haddaba waxaad ila fiirisaa sida kuwaan aan soo sheegay dhaqankooda iyo dabeecadahooda ay tahay, marka ugu horaysa kama xishoodaan waxna kama yiraahdaan dhibaatada Soomaalida badankeeda ku jirto sida faqriga, cudurka iyo aafooyinka kale ee ay dabeecadda keento haddii ay wax ka dhahaane kuma bixiyaan wax muuqada iyaga oo weliba horay u boobay dadkaan dhibaataysan hantidii ay lahaayeen Soomaalida oo dhana ka dhaxaysay, waxayna si faanfaan ah iyo is maqashiis ah ay ka yiraahdaan goobaha qaar hadalo lagu labalaboodo iyo qaar laga naxo oo maqalkiisa cudur ku sii rida muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Si kastaa arintu ha ahaatee waxaa hubanti ah in Soomaaliya iyo soomaalida cusub ee maanta joogta ay heleen dawlad ay ka wadaraali yihiin Soomaaliya Miskiin!! Bal eeg oo u kuurgal dadka u soo hawooday taladeeda iyo maamulkeeda, bal fiiri kuwa ku haminaya in ay Madaxweyne u noqdaan, bal si hoose mar kale u fiiri kuwa damaca ka soo galay maamulkeeda siyaasadeed dabadeedna adiga oo aan bal caroon hebel ma i dhihi kartaa ayaa u qalma taladeeda?.
Ilaah baan kugu dhaarshee nin aan u jeedin hiigsiga iyo wanaagga maanta socda isla markaana aan ogolayn in uu wax ka tilmaamo kuna amaano dadkii intaas loo wada jeedo qabtay ee iska indha ridaya markii doorasho timaado ma loo codayn karaa–jawaabta aan qof ahaan bixin karo waa maya!! sabata oo ah iyaga waxa ay kala saari waayeen waxa dantooda gaarka ah ay tahay iyo danta guud ee umadda oo dhan ka dhaxayso waxayna meel kasta la taagan yihiin dhaliilo aan meel cuskanayn oo ay dawlada dhisan u yeelayaan, mana sheegaan waxqabdka muuqda ee aan la inkiri karin ee inta ay dawladaan jirtay u qabsoomay.
Waa gar markii dhaliil la sheego in wanaaggana la sheego, laakiin nimankaan maba yaqaanaan waxa ay dawladnimadu tahay,iyo waxa dhaliisha ay tahay, kaliya waxay yaqaanaan in wax kasta la xoogo, wax kasta la boobo dibna aan la isugu raacan, taasna waqtigeedii waa soo afmeermay inta badan Soomaaliduna waa ka soo horjeesatay iyaga oo kaashanay beesha caalamka iyo inta danaysa dawladnimada casriga ah ee sharciga uu xukumo,
Sidaas darteed waxaan hadalkayga ku soo afmeerayaa waa ceeb, waana gunnimo in laga shaqeeyo ama loo dhaqmo sida xayawaanka duurjoogta ah ee aan sharci kala xakameeyo lahayn ee sida ay u kala itaal roonyihiin isu cuna ama isu dila, iyaga oo qaarkood ka dhaarta idaacadaha maxaliga ah dhaar aysan fulinayn, isla markaan aysan ka kafaaragudan doonin markii ay fulin waayaan wixii ay ku dhaarteen, taas oo kalna waa Mooryaanimo miciyo leh oo mar kale la doonayo in dib loo soo celiyo maadaama gafafkii hore loo galay la isku maxkamadayn waayey, mana dhici doonto oo waan hubaa in aysan dhici doonin wixii ka dhacay dalkaan 91kii oo kale Waa kaas wanaagga dawladnimada dhabta ah, waana kaas tilmaanta guud ee burburiyayaasha dalka iyo kuwa u adeega shisheeyaha cadawga ah ee aan marnaba doonayn in dalkeenu uusan dagin, waan kaas midawga Umadda soomaaliyeed.

     

W/Qoray C/risaaq Axmed Absuge.

About Author