Post View....

XOG:Fahad Yaasiin iyo Maxkamadda Ciidamada oo qoorta isugu jira & Khayre oo ka xanaaqay Fahad

0
62

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa qoorta isugu jira, ka dib markii uu Taliyuhu ka horyimid ku dhaqanka sharciga.

Taliyaha ayaa ka biyo diiday in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida lagu wareejiyo saddex nin, oo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida, isla-markaana lala xiriirinayo dilka wiil mooto bajaajle ahaa, oo bishii December loogu gaystay Magaalada Muqdisho, iyadoona horey looga sii qaatay mootadii uu watay.

Arrintan ayaa soo shaacbaxday, ka dib markii saddexdaasi nin lagu arkay mootadii uu ku shaqaysan jiray marxuumka, waxaana jirtay in raggaasi lagu xiray Xarunta Hay’adda Dembi Baarista CID, balse ay markii dambe xoog ugala baxeen askar ka tirsan kuwa NISA.

Wararka ayaa sheegaya in ehelada marxuumka ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen in ay cadaalad hellaan, oo sharciga la waafajiyo xubnahaasi, oo si dhow uga amarqaata Taliska Hay’adda NISA.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu laamaha ammaanka weydiistay in la soo xiro raggaaasi, balse uu is hortaag ku sameeyay Taliyaha NISA.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya Xafiiska Xeer Ilaalinta in dacwad ka dhan ah Hoggaanka NISA uu gaarsiiyay Xafiisyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo kan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, hase ahaatee aynaan jirin cid wax ka qabatay.

Ilo madaxbannaan ayaa sheegaya Fahad Yaasiin in ehelada marxuumka uu u soo jeediyay in ay mag/diyo qaataan, ha yeeshee ay ku gacan sayreen, isla-markaana ay dalbadeen in xubnahaasi sharciga la horkeeno, laguna qaado ciqaabta ay muteystaan.

Nabadoon Saciid Macalin Kuulow oo ka mid ah ehelada marxuumka, kal horena ka hadlay saddexda nin ee laga fakiyay Xarunta CID ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu ku yimid xarigooda iyo kiiska loo haystaba.

Nabadoonka oo la hadlay VOA ayaa yiri “Wiil aan adeer u ahay ayaa waxaa la dilay xilli habeen ah oo taariikhduna ay ku beegneyd 7-dii bishan, (December) isagoo ku jira shaqadiisa oo mooto wata, markii la dilay mootadii waa lagala degay, waana la kaxeystay. Subixii dambe oo laba saac ah ayaa naloo soo sheegay meydkiisa, waan ku baxnay, meydkii oo meesha iska yaala oo mootada laga qaatay, waan soo qaadnay, waxaana keenay Qaybta Dembiyada Baarista ee Dowladda Federaalka. Waxaan u sheegay sida uu u dhintay, loona dilay, wax kasta oo looga baahnaa ayaa la marsiiyay, sawiraa laga qaaday. Intaa markii la sameeyay waan qaadanay, waana soo aasnay.”

“Waxaa geeridiisa, qaabka uu u dhintay iyo taargadii mootada u gudbinay booliska amniga qaabilsan, waxaana laga sii daayay gacmaha xiriirka booliska, waxaana la dhigay 17-ka saldhig ee Gobolka Banaadir.”

“Intaas markii ay dhacday, wax eed ah anagu ma qabin, maxaa yeelay dhimashada noocaas ah dadka gaysta way baxsan jireen, waana la arki jiray, intaas waan isaga aamusnayn, shir jaraa’idna ma qaban. Waxaa dhacday wiil mootada kaxayn jiray ayaa wuxuu arkay mootadii oo socoto, oo wuxuu ku arkay Degmada Hodan, Tarabuunka meesha la yiraahdo. Mooto uu watay ayuu ku dabagalay, markii mootada ay mareyso kontorool ay ciidamada booliska jooggaan ayuu mootadii ku horjaray, booliskii ayuu u wacday, rag kalana wuu u yeertay. Saddex nin oo midi hubeysan yahay ayaa wadatay mootada, taargadii inta ay ka fureen ayay dhex dhigeen gudaha mootada, buugga mootadana darawalka ayay jeebka ugu jirtay. Wiilashii waala qabtay, midkii hubeysnaa wuxuu isku dayay inuu cararo, waxaa noo qabtay ciidamadii kontoroolkaas joogay, waxayna noo geeyeen Saldhiga Degmada Hodan, bastooladii, mootadii iyo saddexdii wiil ee eedeysane.”

“Degmada Hodan waxaan ka codsanay inay noogu wareejiyaan Saldhiga Degmada Dayniile, maadaama kiiska dilka uu Dayniile ka dhacay, way naga aqbaleen. Waxaan wacnay Taliyaha Saldhiga Degmada Dayniile, Taliye Kuxigeenka ayuu noo soo diray, wiilashii iyo mootadii ayuu noo qaaday, Saldhiga Degmada Dayniile ayaa naloo geeyay.

“Subaxdii aroortii baan soo baxnay anagoo eheladii ah, waxaana Saldhiga Dayniile ka codsanay in wiilasha naloogu wareejiyo CID-da, si dembigoodii loo baaro, maxkamadna loogu sii gudbiyo. Intaas markii ay dhacday wiilashii waala wareystay, waxay sheegeen in laba ka mida ay ka tirsan yahay Hay’adda Nabad Suggida, midka kalana uu shacab yahay. Nabad Suggida markii ay sheegteen waxaa Saldhiga noogu yimid markii warqadda la diyaariyay oo nala qaadi rabay rag Nabad Suggida ka socda, waxay yiraahdeen hala joojiyo CID-da, la gayn maayo, waxaa la gaynayaa Xarunta Nabad Suggida (Godka Jilicow). Waan diidnay waxaana ku dhahnay anaga Godka Jilicow meel aan taggi karno maaha, meel xitaa aan dacwadeena ka furan karno maaha, ee niman yahow waxaan rabnaa kiiskaan in naloo geeyo meesha dembi baarista ee dadka u dhaxeysa ee CID-da. Dood badanaa na dhex martay, is hortaag badanaa nalagu sameeyay, markii ugu dambeysay waxaa yimid Taliyaha Saldhiga Degmada Dayniile, gaarigiisa ayuu noo saaray wiilasha ee eedeysanayaasha, anagana gaarigaa ka daba raacnay, waxaana naloo geeyay CID-da, mootadiina waala jiiday. CID-da ayaana naloogu wareejiyay, wixii macluumaad ahaa ee laga qorayna waa lagu wareejiyay CID-da.”

“Taliska CID-da waxaan ku niri waa kuwaa nimankii, anaga dhibane-yaal ayaa nahay, wiilkeena mootadii uu lahaa, laguna dilay nimankaan baan ku qabanay, waxaan rabnaa in sharciga naloo marsiiyo, waana nalaga aqbalay, sidaasaa ku hooyaadnay.”

“Shalay subax ayaa nimid, Madaxa Dembi Baarista ayaan aragnay ee CID-da, wuxuu nagu yiri maxkamaduhu waa xiran yihiin, waxayna furmayaan 1-da bisha. Nin buu noo geeyay oo magaciisa noogu soo koobay Ayax, oo yiri kiiska isagaa haaya ee nambarkiisa qorta, subaxaas oo bisha kow tahay ayaan maxkamad u gudbinaynaa ee noo imaada, sidaas markey tahay kowda duhurnimaa ka tagnay.”

“Maqribnimadii xalay ayaan ka war helnay rag ka socda Taliska Godka Jilicow ee Nabad Suggida, kiiskii, bastooladii, mootadii iyo wiilashii inay kala baxeen CID-da, ayna ka wateen. CID ayaan saakay nimid, waxaan dhahnay nimankaas waala qaaday, Nabad Suggidiina si aan u aadno iyo qaab aan ula xiriirno anagu ma naqaano. Marka anaga sidaas ayay naga tahay.”

“Waxaan ka codsanaynaa Madaxda Dowladda Soomaaliyeed, oo anagu aan doonaynaa cadaalad. Anaga markii hore kuma eedeynin dowladda, dadkii wiilka naga dilay maxaa naloogu soo qaban waayay, laakiin waxaan eed ka nahay qaabka hadda nala yeelay, markii aan soo helnay dadkii dembiile-yaasha ahaa oo na dhacay, na dilay, soona helnay ayagoo wata mootadii ay wiilkeena ka disheen, ayagoo gacantooda ku wata aan ku qabanay. Markii lagala baxay meeshii aan u maleyneynay cadaaladda inay xarun u tahay walwal iyo kalsooni darro ayaa nagu dhacday. Waxaan u baahanahay cadaalad, meeshaas Madaxda Dowladda inay fara-geliyaan, cadaaladna naloo sameeyo.”

Wareysiga Nabadoon Kuulow oo Badweyn ay qoraal ahaan u bedeshay ayaa intaas ku eg, waxaana uu baaqiisii ugu dambeeyay uu ku muujiyay sida ay lagama maarmaan ugu tahay inay cadaalad hellaan.

Ma cadda in dowladdu ay ka shaqayn doonto, sidii loogu cadaalad-fali lahaa ehelada dhibanaha, balse waxaa la fahamsan yahay inaanay Madaxda Qaranka ka falcelin wax kasta oo ku aadan Fahad Yaasiin.

 

About Author