Post View....

Qalab looga hortagayo Covid-19 oo lagu wareejiyay Jubbaland, K/Galbeed & Gobolka Banaadir

0
57

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa qalab loogu talo galay ka hortagga Cudurka Coronavirus, waxa ay ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir, Jubbaland & Koonfur Galbeed.

Masuuliyiin ka kala socotay Maamuladan ayaa la wareegay qalabkaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federalka Somaliya.

Caabuqa Coronavirus oo Saddex kiis laga helay Somaliya ayaa waxaa jirta walaaca la xiriira inuu sii faafo caabuqan, si uusan u faafina waxaa socda dadaalo ku aadan sidii looga hortagi lahaa xanuunkaan oo dunida si wayn saameyn ugu yeeshay.

Qalabkaan maanta lagu wareejiyay Jubbaland, Koonfur Galbeed & Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somaliya waxaa ku wareejiyay Jack Ma Foundation.

“Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka CoronMaamulka Gobolka Banadir iyo Maamaul Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Qalabka ayaa waxaa Dawladda Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma Foundation” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ay Qalabka looga hortago faafida COVID-19 ku wareejisay Puntland iyo Somaliland, iyagoona ka mahadceliyay.

 

About Author