Post View....

Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed oo khudbadahooda jeedinaya

0
53

Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa maanta lagu wadaa inay khudbad ka hor-jeediyaan Xildhibaannada Baarlamaanka, si ay ugu soo bandhigaan qorshahooda siyaasadeed haddii loo doorto xilkaas.

Illaa shan Musharaxa ayaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa Kuxigeen, iyadoo durba Musharaxiintan ay olole ka bilaabeen magaalada Baydhabo, si ay u kabsadaan taageerada Xildhibaannada.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan Amb. Cali Saciid Fiqi iyo Maxamed C/raxmaan Nuur, waxaana aad loogu saadaalinayaa in Amb. Cali Fiqi ku guuleysan karo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Sidoo kale xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan labo Musharax oo mid ka mid ay tahay Haweeney lagu magacaabo Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed

Xilka Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa u taagan hal Musharax oo ah Haweeney lagu magacaabo Shamso Maxamed Yarow

Khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa maanta kaliya ah, waxaana maalinta berri oo taariikhda tahay 1 April lagu wadaa inay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.

 

About Author