Post View....

Laba Maamul Goboleed Oo Lagu Wareejiyay Qalabka Looga Hortego COVID-19

0
60

Wasaaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ku wareejisay Qalabka Caafimaad ee looga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in qalabkan Caafimaad  ee lagu wareejiyay Galmudug iyo Hirshabeelle uu yahay qoondadii Maamul Goboleedyada loogu talo galay oo ahna teedii ugu danbaysay oo la diro.

“Qalabakan ay maanta Wasaaradda Caafimaadku sii dhiibtay ayaa ah qoondadi Maamul Goboleedyada loogu talo galay teedii ugu danbaysay oo la diro, Waxa qalabkan la wada geeyay dhamaan Maamul goboleedyada dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka.

Qalabka Caafimaad ee looga hortego faafida Cudurka Coronavirus ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ugu deeqay Jack Ma Foundation, waxaana Soomaaliya ugu deeqay Ganacsade lagu magacaabo Jack Ma asaasaha Shirkadaha Ali Ababa.

Cudurka Coronavirus ayaa dalka Soomaaliya laga heley Saddexn Ruux, kuwaasi oo ay dowladda Soomaaliya ku karantiishay Xarun gooni ah oo loogu talagalay, waxaana xusid mudan in shalay amar lagu bixiyay in lasii daayo Afar ruux oo laga waayay Cudurkaas.

 

About Author