Post View....

Maxeey Oga wada hadleyn khadka talefonka MD Farmaajo iyo Abiy Ahmed

0
60

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa khadka Taleefoonka ku wadahadlay iyaga oo is dhaafsaday xogo muhiim ah oo la xiriira gobolka iyo xaaladaha taagan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Khadka Talefoonka kuasoo xiriiray madaxweyne Maxmed C/llaahi Farmaajo isaga oo kala hadlay xiriirka labada dowladood iyo sida ay uga wada hortegi karaan caabuqa Corona iyada oo lala kaa shanayo dowladaha caalamka.

Qoraal Bartiisa Tuwtterka u soo dhigay Abiy Axmed ayuu ku sheegay in Khadka Taleefoonka uu kula hadlay madaxda wadamada ku bahoobay Urur gobaledka IGAD kuwaas oo kala ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynahayaasha dalalka Kenya iyo Koonfurta Suudaan.

Abiy Axmed ayaa xusay in madaxda uu la wadaagay qaabka ugu haboon ee lagula dagaalami karo caabuqa Coronavirus,islamaraakana ay isla garteen in si wadajir ah looga hor tago caqabadaha dhaqaale si uusan u sii faafin cudurkaani.

“Hadafka Iskaashi Gobaleedka waxa uu u baahanyahay in aan la naafayn Karin haddii aynu u midowno kuna hogaamino maslaxadda guud ayuu yiri Abiy Axmed”

Wadahadlkaan ayaa kusoo beegmaya xilli Dalalka Itoobiya Kenya iyo Soomaaliya la xaqiijiyay kiisas la xiriira caabuqa Corona kuwaas oo xal u raadinaya sidii looga hortegi lahaa faafiddiisa.

About Author