Post View....

Dowlada Somalia oo qalab Caafimaad u dirtay Somaliland & Puntland (Sawirro)

0
73

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlada Somalia ayaa maanta bilowday qeybinta qalab caafimaad oo loogu talo galay ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka Coronavirus (COVID-19).

Waxaa maanta qalabkan qeybtooda loo diray maamulada Puntland iyo Soomalind, waxaana qorshaysan in loo diro qoondadooda maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Deeqdan waxay Soomaaliya uga timid shirkadda Alibaba Foundations oo uu leeyahay ganacsadaha u dhashay dalka Shiinaha ee Jack ma.

Ganacsadahan ayaa qalabkan ugu deeqay qaarada afrika si ugu adeegsadaan cudurka Coronavirus, waxaana habeen hore deeqdan ka soo dejisay garoonka Aadan cadde dayuurad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines.

 

About Author