Post View....

Maxaa ka jira in Idris Elba uu lacag ku qaatay ka been sheegidda inuu ku dhacay Coronavirus?

0
73

Jilaaga caanka ah ee reer UK, Idris Akuna Elba ayaa Isniintii Asbuucii hore shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus, kaasi oo dunida ku haya faro ba’an. Sidoo kale xaaskiisa Soomaalida ah Sabrina Dhowre, ayaa sheegtay in cudurku ku dhacay.

Waxaa kadib soo baxay warar sheegaya in uu Jilaagu lacag ku qaatay in uu ka been sheego inuu qabo cudurkaasi, maadama aan ilaa hadda lagu arkin wax calaamado ah oo muujinaya cudurkaasi. Wararkan ayaa waxaa si aad ah u baahisay fanaanadda Mareykanka ee Cardi B.

Sida uu baaiyey taleefishinka CNN waxaa arrintan ka dhashay walaac iyo cadho ka bulshada dhexdeeda, midaasi oo lagaga dareen celinayo in dadka caanka ah ay qaatan Lacago si ay uga been abuuraan in uu cudurkaasi ku dhacay.

Midaasi oo ujeedkeeda lagu sheegay in baqdin saa’id ah lagu abuuro bulshada, isla markaana la tuso in cudurka Corona uu leeyahay saameyn balaadhan.

Haddaba, Idris Elba ayaa gebi ahaanba beeniyey in ay jirto in uu lacag ku qaatay ka been sheegida Cudurkaasi, isagoona wararkaasi ku sheegay kuwa aan caadi aheyn oo ‘doqonimo ah’.

Elba oo arrinkaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram ayaa bulshada kula taliyey in qof walba uu is baadho, si uu uga war hayo caafimaadkiisa.

Jilaagaan oo si weyn looga yaqaano dunida, islamarkaana ay u dhaxdo gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo Sabriina Dhawre, ayaa cudurka wuxuu haleelay sida la sheegay kadib markii uu la kulmay qof horay loogu arkay cudurka halista ah ee Corona.

Sidoo kale waxa xusid mudan in Sabriina Dhawre oo ah xaaska Idris Elba iyadana laga helay cudurkaasi dhowr maalmood kadib markii uu shaacisay Elba in cudurkaasi uu haleelay, inkasta oo ilaa hadda sida la sheegayo aan lagu arkin calaamadaha cudurkaasi.

Cudurka Coronavirus ayaa faro ba’an ku haya dunida, kaasi oo ah halis saameyn weyn ku yeeshay wadamo badan oo dunida, midaasi oo dhalisay in la yareeyo safaradii iyo isku socodkii dadka ee dunida.

About Author