Post View....

Ma run baa sheegashooyinka Trump ee la xiriira coronavirus?

0
62

Madaxweyne Donald Trump wuxuu difaacayay sida uu ula tacaalayo cudurka coronavirus ee saameeyay Mareykanka, xilli tirada dadka uu ku dhacayo ay aad usii badanayaan.

Waxaan xaqiijin run iyo been ah ku sameynay qaar ka mid ah waxyaabihii uu madaxweynaha sheegtay dhawaan.

Sheegashada 1-aad

“Mareykanka wuxuu sameeyay ‘baaritaan’ aad uga badan kuwa ay sameeyeen dalal fara badan”

Xogtii ugu dambeysay waxay muujineysaa in dad tiradoodu tahay 418,810 lagu baaray gudaha Mareykanka. Tiradan waxay aad uga badan tahay dadka lagu baaray waddanka Kuuriyada Koonfureed, oo ilaa hadda sameeyay baaritaankii ugu badnaa ee caalamka oo dhan.

Hase ahaatee, Kuuriyada Koonfureed shacabkeedu waa qiyaastii 51 milyan oo qof, marka la barbar dhigo Mareykanka shacabkiisa oo ah 328 milyan oo ruux.

Sidaas darteed, Mareykanku wuxuu baaray tiro wax yar ka badan hal qof oo ka mid ah kunkii ruuxda, marka la barbardhigo Kuuriyada Koonfureed oo baaritaan ku sameysay hal qof oo ka mid ah boqol iyo kontonkii qofna.

Marka taasi waxay muujineysaa in baaritaanka Mareykanka uu aad u yaryahay marka loo eego kan Kuuriyada Koonfureed.

Kiiskii ugu horreeyay ee laga helay Mareykanka waxaa la helay isla maalintii kiiskii ugu horreeyay laga helay Kuuriyada Koonfureed, dayaaqadii bishii January.

Horaantii bishan March, Aqalka Cad wuxuu qirtay in dowladda Mareykanka aysan heysanin qalab ku filan oo wax lagu baaro, isbitaallada qaarna ay soo tabiyeen inay dhibaato kala kulmayaan isticmaalka qalabkaas.

Hase yeeshee, baaritaanka ka socda Mareykanka ayaa sare u kacay dhawaanahan, iyadoo tirada dadka la baarayo ay maalmihii lasoo dhaafay ku dhawaadeen labajibbaar.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Sheegashada 2-aad

Markii wax laga weydiiyay xogta ku saabsan tirada dadka u dhintay fayraska, wuxuu yiri: “Waxay ila tahay in 3.4% ay runtii tahay tiro been ah … shakhsi ahaan, waxaan u maleynayaa in tirada ay ka yartahay 1%.”

Wareysi uu khadka telefoonka ku siiyay warbaahinta Fox News, wuxuu madaxweyne Trump ku sheegay in tirada dhimashada ka dhalatay coronavirus oo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ku sheegtay 3.4% ay tahay mid “been ah”. WHO waxay xogtan shaacisay 3-dii bishan March waxayna sheegtay inay ku saleysay dhammaan tirooyinka dhimashada xanuunkan ee lasoo tabiyay.

Mr Trump wuxuu sheegay inuu u heystay tirada dhimashada inay ka hooseyso 1%, isagoo taasna ku saleynaya “qiyaastiisa” oo kaliya.

Wuxuu ku dooday in tirada dhimashada ay u muuqatay mid sarreysa marka loo eego dadka uu cudurku ku dhacay, laakiin dad badan oo uu si qafiif ah ugu dhacay coronavirus aysan u tagin isbitaallada ama dhakhaatiirta, sidaas darteedna aan lagu xisaabinin kiisaska rasmiga ah.

Waqtixaadirkan ma ogin sida ay ugu badan tahay inaad u dhimatid coronavirus, sababtuna waxay tahay inaan la heynin xogta caabuqa. Hase ahaatee, seynisyahannadu waxay hadda qiyaasayaan in dhimashada aad u dhiman karto cudurkan ay tahay qiyaastii 1%.

9-kii March: “Sanadkii lasoo dhaafay 37,000 oo qof oo Mareykan ah ayaa u dhimatay hargabka caadiga ah. Waxba isma baddalin, nolosha iyo ganacsiguba si caadi ah ayey u socdeen… Bal ka fikir taas.”

Hadalkan kasoo baxay madaxweynaha wuxuu u baahan yahay xog. Si sax ah uma ogin tirada dadka Mareykanka ah ee u dhintay hargabka. Laakiin qiyaasta ay sameysay Xarunta Xakameynta Cudurrada ee Mareykanka(CDC) waxay tirada dadka u geeriyooday hargabka gaarsiisay inta u dhaxeysa 26,339 iyo 52,664(waqtigii u dhaxeeyay October 2019 iyo February 2020). Qiyaasta ugu fiican ee taas laga baxsan karo waa 34,157. Marka dad badan ayaa sanad walba u dhinta hargabka, sida uu shaaciyay Donald Trump.

Hase yeeshee, si ka duwan sida uu saameynta u yeesho hargabka, fiditaanka cudurka cusub ee coronavirus wali looma helin tallaal lagu xakameeyo, seynisyahannada adduunkana(oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan WHO) waxay aaminsan yihiin in xanuunkan uu si aad ah uga saameyn badan yahay tirada dhimashada sanadlaha ah ee hargabka caadiga ah(taasoo ay celcelis ahaan ku qiyaaseen 0.1%).

.Lahaanshaha sawirkaKAREN DUCEY

Sheegashada 4-aad

7-dii March: “Mar aad u dhow, waxaan la imaan doonnaa [tallaal].”

Waqtixaadirkan ma jiro tallaal loo hayo coronavirus-ka cusub, inkastoo seynisyahannada ku sugan dalal badan ay aad uga shaqeynayaan sidii loo soo saari lahaa dawadaas. Seynisyahannadu waxay sheegeen in markii runta laga hadlo aan tallaalkan la heli karin xilli ka horreeya bartamaha sanadka dambe. Tijaabada tallaalkan ee lagu sameynayo xayawaanka ayaa horayba u billaabatay. Waxaa sidoo kale tijaabo lagu sameeyay dad is xilqaamay oo lagu tijaabinayo tallaalka ka dhanka ah coronavirus, laakiin bilooyin badan ayey qaadaneysaa ka hor inta aannaan ogaanin in dawadan ay shaqeyneyso.

.Lahaanshaha sawirkaEPA
Image captionQaar ka mid ah rakaabka markabka Grand Princess ee ku sugan California ayaa laga helay coronavirus

Sheegashada 5-aad

29-kii February: “Waxaan qaadnay tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhan ah coronavirus. Waa tallaabooyin ka adag kuwa ay qaadeen dhammaan dalalka adduunka.

Dow;ladda Mareykanka waxay hadda soo rogtay xayiraado, iyadoo sameysay goobo karantiil ah. Laakiin dalalka kale waxay sidoo kale qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah oo lagula dagaallamayo fayraska – qaarkoodna waxay qaadeen tallaabooyin ka waaweyn kuwa Mareykanka.

Shiinaha iyo Talyaaniga, tusaale ahaan, waxay sameeyeen goobo karantiil ah oo dalka oo dhan ku baahsan, laguna karantiili karo malaayiin qof.

Midowga Yurub wuxuu xiray xuduudihiisa bannaanka ah oo xirnaan doona muddo 30 maalmood ah, halka dalalka Yurub qaarkoodna ay xuduudahooda ka xirteen dadka aan muwaadiniintooda ahayn, iyagoo sidoo kalena xayiraado waayen ku soo rogay dhaqdhaqaaqyada.

About Author