Post View....

Madaxweynaha Puntland oo safar aan la shaacin Todobaad ku jooga degmo qadiimi ah+khilaaf halkaasi kajira

0
64

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa muddo dhan todobaad waxaa safar aan weli wax faah faahin laga bixin uu ku joogaa magaalada xeebeedka qadiimiga ee Eyl ee kutaala Badweynta Hindiya.

Madaxtooyada Puntland oo inta badan baahisa wararka safarada ee la xiriira Madaxweynaha Puntland ayaanan faah faahin bixin,hayeeshee Wararka ay Risaala heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi u tegay Dalxiis uu kaga nasanayo Arrimaha Siyaasada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale waxaa uu ku jiraa diyaar garoow ku aadan in uu yimado Magaalada Muqdisho,waxaana safarka uu haatan ku joogo Magalada xeebeedka qadiimiga ee Eyl la sheegay in uu kali ku yahay taas oo sababtay inay yaraato xogta iyo macluumaadka socdaalkiisa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Deni maalmahan uu dhowr jeer kulamo uu la qaatey Saraakiil la socota Maraakiibta dagaal ee Ururka NATO,kuwaas oo ku sugan meelo kamid ah Biyaha Soomaaliya lana dagaalama Bucad Baddeeda.

 

About Author