Post View....

Feysal Cali Waraabe oo aflagaaddo aan loo meel dayin kala dul dhacay dowladda Farmaajo

0
50

Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka UCID Eng. Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ku saabsan wadahadallada dowladda federaalka iyo jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Waxaa kale oo uu ka hadlay muranka dhinaca dhulka ah ee Somaliland kala dhaxeeya maamulka Puntland, isagoona sheegay in dadka reer Baran uusan muran kala dhaxeynin balse reer Sanaag uu yahay midka ay isku heystaan gacan ku heynta gobolkaasi.

“Dad qaxooti ah oo dalka qaxay xilligii Maxamed Siyaad Somaliland ma geli karto wax heshiis ah” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga UCID oo si toos ah u weeraray madaxda sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Somaliland isku tashatay, isla markaana dowladda Xamar madaxda ka talisa aanay dalka deganeyn, sidaasi darteedna qaadi karin mas’uuliyadda wadahadallada ay la galeyso Somaliland.

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo beegmayaa xilli dhowaan magaalada Addis Ababa kulan ku yeesheen madaxweynaha Dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale hadalka xanafta leh ee ka soo yeeray guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa u muuqda mid hog ka sii tuuraya rajadii laga qabay isku soo dhowaansho dhex mara Farmaajo iyo Muuse Biixi, halka xisbiga Wadani aanu isagu ilaa iyo iminka wax hadal ah ka soo saarin aragtidiisa ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Feysal Cali Waraabe ayaa ku xadgudbay madaxda Soomaalida reer Koonfureedka, bacdamaa uu isaguba dhowr dal oo Yurub ah dejiyay qoyskiisa oo ilaa iyo iminka ku nool yihiin, hase yeeshee wuxuu meesha ka saaray in xisbigiisu wax door ah uu ku yeesho wadahadallada labada dhinac.

Madaxweynaha Dowladda dhexe ee federaalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ah shaqsiga kaliya ee ku dhashay magaalada Muqdisho marka loo eego madaxda iyo siyaasiyiinta talada dalka soo hoggaamisay tan iyo markii Soomaaliya xornimada qaadatay.

Somaliweyn Media Center (SMC)
Email: [email protected]
Muqdisho – Soomaaliya

About Author