Post View....

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor Oo Guul Kale Si Cajiib Ah Ku Helay

0
51

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxa uu kulan qado ah kula qaatey dhamaan Siyaasiyinta Reer Galmudug ee maalmahaan ku sugnaa Dhuusamareeb.

Siyaasiyinta oo u badan kuwii mucaaradsanaa doorashadii ka dhacdey Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kala hadley sidii looga wada Shaqeyn lahaa tayeynta Maamulka Galmudug.

Dadka Siyaasada Galmudug u indho daloola waxay sheegeen in tani ay muujineyso sida ay uga go’an tahay Maamulka Axmed Qoor qoor hogaamiyo Guul iyo Dadka Deegaanka oo isku xirnaada.

Si Hormarka Galmudug looga shaqeeyo ayuu sheegay Madaxweynaha Dooran Ee Galmudug inay ku dedaali doonaan Xalinta wax walbo oo keeni kara isku tanaasul iyo Is af garad khilaaf walbana la dhameeyo.

About Author