Post View....

Ciidamada Difaaca Kenya oo lagu amray in ay u diyaar garoobaan ka hortaga Covid-19.

0
65

Ciidamada Difaaca Kenya ee looyaqaan (KDF) ayaa dhiseen sedex goobood oo qalabaysan oo 1,500 bukaan ah mid kasta lagu karaantiili karo “hadii xaaladu gacanta ka baxo,” sida Dailynation ku warantay.

Goobaha, oo leh bad dhan (Capacity) 4,500, ayaa lagu aasaasay amarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo sidoo kale ah taliyaha guud ee ciidamada Kenya, waxa loo adeegsan doonaa la dagaallanka faafitaanka coronavirus (Covid-19) haddii loo baahdo.

Madaxweynaha ayaa  askarta ku  amray inay noqdaan “kuwo howlgal diyaar u ah” loona tababarayo qaabka ay uga jawaabi karaan faafitaanka Covid-19, oo gaaray inta badan wadama dhaca geeska Afrika oo laga dayrinayo sida ay u helikaraan adeeg Caafimaad oo hufan.

Ciidamada qalabka sida, oo leh tababaro Caafimaad, oo isku jira rag iyo dumar leh xirfado aad u ballaaran, waxaa laga fili karaa inay bixiyaan taageero caafimaad iyo gaadiid sahayda muhiimka ah sidoo kale amaanka ayay masuuliyad iska saari doonaan sida ay ku warantay Dilynation.

Dhanka kale Agaasimaha KDF ee Adeegyada Caafimaadka S/Guud George Ng’ang ayaa lagu amray inuu diyaariyo dhakhaatiirtiisa taas oo qayb ka ah jawaabta 1-aad ee fayraska ka dillaacay dalka Kenya.

About Author