Madaxda Ururka Goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin Dowladaha Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda, Eretareeya, Suudaan iyo Koofurta Suudaan waxa ay ka shireen cabsida fayruska Corona oo saameyn taban ku yeeshay wadamo dhaca Yurub, Aasiya iyo Mareykanka.
Sideeda dal ee xabnaha ka ah IGAD waxa ay go’aamiyeen in ay iskaashi ka sameeyaan Xayiraadda isu socodka dadka, saameynta dhaqaale, iyo walwalka bulshada kunool wadamadaan.
Madaxda dalalkaan waxaa laga dhageystay Warbixino iyo talooyinka ay u arkaan sida ay isku kaashan karaan, si meesha looga saaro cabsida dadka, dhaqaalaha soo geli jiray maadaama dalalkaan hantidoodu ay yartay.
Shirka IGAD oo ah kii ugu horeeyay oo ay yeesheen tan iyo markii uu soo ifbaxay Fayruska Corona waxa uu kaga duwanaa kulamadii hore, in madaxda iyaga oo ku sugan dalalkooda ay si toos ah ugu qaybgalayeen.
Dalalka IGAD ku midoobay oo ka kooban siddeed dal waxaa loo qaybiyaa saddex qayb oo kala:
Afar dal oo dhaca Geeska Afrika:
Djibouti: waxa ay kamid tahay dalalka aas-aasayaasha IGAD, waxaana ay kamid tahay xubnaha ururkaan tan iyo 1986-dii.
Ethiopia: waxa xubin ka tahay Urur Goboleedka IGAD 1986-dii, waxaana ay ku jirtaa dalalka wax ka aas-aasay.
Somalia: waa xubin katirsan IGAD tan iyo 1986-dii, waxaana ay kamid tahay dalalka lagu aas-aasay ururka.
Eritrea: Dowladdaan waxa ay ku biirtay sanadkii 1993-dii, kadib markii ay ka go’day Ethiopia, sanadkii 2007-dii ayay mar ka baxday IGAD, balse 2011-kii ayay dib ugu laabatay xubinnimada.
Labadaan wadan waa ay kala go’een, waxaana ururka looga dhex yaqaanaa Dooxada Nile, waa Suudaan iyo Koofurta Suudaan.
Sudan: Waa xubin udub dhexaad u ahaa dhismaha Urur Goboleedka Dalalka dhaca bariga Afrika, 1986-dii ayay xubin ka noqdaan waana cudud katirsan aas-aasaaya ururka.
South Sudan: Maadaama ay ka go’day Jamhuuriyadda Sudan isla markaana ay heshay Aqoonsi dal madax banaan, waxa ay IGAD ku biirtay sanadkii 2011-kii.
Labadaan Dowladood waa qaybta saddexaad, waxaana Ururka IGAD looga dhex yaqaanaa wadamada dhaca Harooyinka waa weyn ee Afrika.
Uganda: waa laf dhabarta aas-aaska Urur IGAD waxaana Dowladdaan ay xubin ka tahay tan iyo 1986-dii.
Kenya: waxa ay kamid tahay Dowladaha kaalmaha firfircoon ku leh IGAD, Xoghaye ama Guddoomiye kama weyso sanad waliba waxaana ay ku biirtay 1986-dii oo ah waqtigii la aas-aasay.
Madaxda IGAD awood ma uleeyihiin in ay iska kaashadaan kahor tagga Covid-19?
Marka la eego dhaqaalaha dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Eretareeya, Jabuuti, Suudaan, Koofurta Suudan, Kenya iyo Uganda ma gaarsiisayo heer sare oo ay ku dabbaraan shaqo la’aanta ka dhalata covid-19 iyo daboolista agabka looga hortago Fayruska.
Waxa ay ku kala xiran yihiin Ururo kala duwan sida: Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kuwo kale, waxaana dhaqaalaha iyo taageerada soo gala ay kasoo helaan dhinacyadaas.
Sanduuqa Dhaqaale uruurin ayay ku dhawaaqeen Madaxda IGAD in ay sameysanayaan si ay dib ugu isticmaalaan marka dalalkaan ay la soo deristo Xaalado u baahan Gurmad deg deg ah.