Post View....

Lix ruux Somali Swedhish ah oo xanuunka Coronavirus ugu geeriyootay Dalkaasi.

0
58

Dalka Sweden ayaa ka mid ah wadamada Europe ee Cudurka Covid-19 uu gaaray, warbaahinta gudaha Sweden ayaa xaqiijisay in 20kii sacadood ee la soo dhaafay ay xanuunkaan u geeriyoodeen dad kor u dhaafay 10 qof.

Dadka Xanuunkaan u dhintay ayaa la sheegay in 6 ka mid ah ay yihiin dad Somali-Swedish ah, dadka xanuunkaan uu dilay ayaa u badan dad waayeel ah waxaana dowlada ay hadda bilawday sidii kor loogu qaadi lahaa wacyi-gelinta caafimaadka bulshada.

Dowlada Sweden ayaa bilowday qaadista talaabooyin ay kaga hortageyso faafista cudurkaan, dadka ayaa loogu baaqayaa in ay joogaan guryahooda, sidoo kale waxaa la xadiday goobaha la isugu yimaado iyo kulamada balaaran.

Xaalad cabsi ah ayaa soo wajahday Somalida ku nool dalkaasi Sweden.

Warbaahinta dalkaasi waxa ay sheegaysaa in aad looga gaabiyay waycigelinta dhanka Caafimaadka ee dadka, taasina ay keentay inuu si fudud ku faafo cudurkaan halista ah.

Maydadka lixda ruux ee Somalida ayaa la soo sheegayaa inay ku jiraan tallaagad, lama oga dowladsa Sweden tallaabada ay qaadi doonto oo ku aadan qaabka loo aasi doono maydadkaasi.

About Author