Post View....

Kulan loogaga hadlayo ammaanka Hirshabelle oo ka furmay Jowhar & Madaxweyne waare oo ka hadlay..

0
68

Kulan loogaga hadlayo ammaanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka bilowday maanta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle,Madaxda labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan,saraakiil ka socota Milatariga,Booliska,Nabadsugida iyo saraakiil ka socota AMISOM.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo lagu qabto magaalada Jowhar ayaa loogaga hadlayaa xaqiijinta amniga labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

inta badan dadka ku safra wadad dheer ee isku xirta muqdisho iyo magaalada jowhar ayaa badanaa waxaa ay cabasho ka keynaan amaanka wadadaasi oo noqday miid aad uu xun oo aan la isku haleen kariin sidoo kale halkaasi ayaa hore ayaa lagu diilay xildhibaano iyo wasiiro maamulka kamid ah ayagoo ku safraayay wadada

About Author