Post View....

Itoobiya waxa ay xirtay xuduudaheeda si ay uga hortagto Caabuqa Coronavirus.

0
60

Itoobiya ayaa xirtay dhamaan xuduudaheeda si ay uga hortagto faafitaanka COVID – 19, sidda ay warbaahinta dalkaas kasoo xigatay Xafiiska Ra’iisul Wasaare dalkaasi Abiy Axmed .

Wargeyska Addis Standard ayaa baahiyey in sidoo kale Abiy uu amray in la karan-tiilo dhamaan dadka galaya gudaha waddankaas laga bilaabo maanta oo Isniin ah, 23-ka Maaj, sanadka 2020 ilaa tiro aan la cayimin.

Sidda ay muujinayso warbixinadda, xukuumadda Addis Ababa ayaa sidoo kale ku dhawaaqdey in ay dagaalka ka dhanka ah caabuqaas u diyaarisay shan milyan oo lacagta Itoobiya ah.

Go’aanadaan, sidda laga soo xigtay jaraa’idka, ayaa kasoo baxay kulan uu Abiy la yeeshay madaxda laamaha kala duwan ee ammaanka.

“Hay’addaha kale ee dowladda waxa ay ka shaqeynayaan fududeynta in ay dhaqan-galaan guud ahaan amaradda,” sidaas waxaa baahiyey Telefishinka ku hadla afka dowladda Itoobiya.

Talaabooyinka ayaa imaanaya xili ay soo baxayaan warar kale oo sheegaya in dowladdu soo rogi doonto bandow dadka faraya in aysan kasoo bixi guryahooda.

Itoobiya ayaa illaa iyo haatan xaqiijisay lix kiis oo xanuunkaas dilaaga ah. Balse waxa ay fariisin u noqoneysaa halka laga daadgureynayo deeq balaaran uu Shiinaha ugu talagalay qaarada Afrika.

Dowladdaha Soomaaliya, Uganda,Kenya ayaa sidaan oo kale ugu dhawaaqay in ay hakiyeen duulimaadyada Caalamiga ah si loo yareeyo Faafitaan Caabuqa Coronavirus oo aduunka ku dilay ugu yaraan 14,500 o ruux.

 

About Author