Post View....

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo maanta Karantiil gashay.

0
66

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa maanta oo Isniin ah gashay karantiil kadib markii Dhakhtar ay hore ula kulantay laga helay cudurka Corona Virus, sidaa darteedna ay go’aansatay in guriga isku karantiisho.

Afhayeenka dowladda Steffen Seibert ayaa sheegay in maalin walba baaritaan lagu sameynayo Markel, baaritaankuna uusan noqon doonin mid qarsoodi ah.

Waxa uu intaasi ku daray in Mrs. Angel ay waajibaadkeeda shaqo gudaneyso iyadoo joogta guriga.

Hogaamiyaha Jarmalka ayaa hore u sheegtay in ay suura-gal tahay in 70%(boqolkiiba todobatan) cudurka Coronavirus uu ku dhaco dadka Jarmalka, waxana dalka Jarmalka uu ku jira kaalinat 3-aad ee dalalka Yurub ee uu aadka u saameyey Cudurkan, waxaa ka horeeya Talyaniga iyo Spain.

Waxaa cudurkan u dhimatay 14,748 aduunka oo dhan, waxa uuna ku dhacay in ka badan 341,526 ruux halka 99,040 ay ka soo bogsatay sida lagu qoray boga lagu qoro xogaha cudurkan la xiriirta.

About Author