Post View....

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo amar ku bixiyay in la xiro Maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala Liido .

0
54

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa shir Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta ayaa waxaa looga hadlay caabuqa Covid-19 oo dhibaato xoogan ku haaya Dunida.

Duqa Muqdisho ayaa inta uu shirka socday amray in la joojiyo isku imaatanka Bulshada si loogu fogaado wax weliba oo keeni kara Caabuqa Covid19 oo ah mid si fudud la isaga qaadi karo taabashada iyo Neefta, asigoo carabka ku adkeeyay Maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala Liido oo Bulshada si aad ah isugu yimaadaan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo kulanka faah faahinayey ayaa sheegay in iyada oo la ogyahay in Caabuqa COVID19, si sahlan la isugu gudbin karo, isla markaana ay wadaan Wacyigelin ku aadan ka hortaga Caabuqa, horeyna loo fasaxay Iskuulada dalka si loo yareeyo isu imaatinka Bulshada, ay soo saareen Amaro ku aadan in la yareeyo isku imaatinka Hoteelada iyo Maqaayadaha Muqdisho gaar ahaan kuwa ku yaalla Xeebta Liido.

Sidoo kale waxaa uu faray Bulshada in ay u hogaansamaan fariimaha wacyigelin ee Wasaarada Caafimaadka iyo Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar. Iyadoona ay si wadajir ah Barnaamijyada wacyigelin ay iska kaashan doonaan Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

About Author