Post View....

Ciidamada ammaanka oo suuqa Bakaaraha ku toogtay koox burcad ah oo dhac geysanayay

0
74

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Israsaaseyn u dhexeeysay ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya iyo koox la sheegay in ay ahaayeen burcad, kuwaasi oo ku dagaalamay Gudaha suuqa Bakaaraha gaar ahaan suuqa Khaliifa ee Magaalada Muqdisho.

Israaseynta ayaa timid kadib markii koox Burcad ay dhac u geysanayeen dadka Shacabka ah ee ku sugan gudaha suuqa bakaraaha, balse arintaasi ku soo baxeen Ciidamada booliska soomaaliya, kadibna uu halkaasi iska horimaad ku dhexmaray.

Dadka goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Ciidamada Ammaanka ay toogteen Afarta ruux ee la sheegay inay ahaayeen burcada,kuwaas oo Ciidamada la dagaalamey, iyadoo meydka Afarta Nin ee la dilay ay qaadeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya iyo maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

About Author