Post View....

Gudoomiyaha G/Shabellaha Hoose oo ka hadlay dilka Taliyaha iyo Shabaab oo sheegtay

0
56

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa waxa uu ka hadlay qaraxii galabta lagu dilay Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye, Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Mursal (Nuunow) iyo saddex ka tirsan ilaaladiisii.

Taliyaha iyo ilaaladiisa ayaa ku dhintay qarax wadada dhinaceeda lagu aasay, oo gaarigii ay wateen lagula eegtay inta u dhaxeyso Deegaanka Lafoole iyo Isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka Degmada Afgooye.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo falkaasi ka hadlay, kuna eedeeyay argagixisada ayaa yiri “Alle ha u naxariisto Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Captan Cabdiqaadir Cismaan Nuunow iyo ciidanki la socday ee galabta ku shahiiday qarax argagixisada ay la eegteyn gaari ay saarnaayeen, janada fardowso Allaha ka waraabiyo, Aamin Aamin.”

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose waxaa uu hadalkan ku sheegay qoraal uu dadka kula wadaagay barta uu ku leeyahay Shabakadda bulshada xiriirisa ee Facebook.

Ururka Al Shabaab ayaa goor dhow sheegtay masuuliyadda qaraxan lagu dilay Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii.

Laamaha amniga ayaa waxay wadaan baaritaano ka daba tag ah, oo ujeedkiisu uu yahay in lagu soo qabto xubnihii ka dambeeyay qaraxa galabta lagu dilay Taliye Nuunow.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa sii xumaanayay amniga wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

About Author