Post View....

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestay xil ka qaadis lagu sameeyey

0
55

Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale ee xilka qaadista lagu sameeyey ayaa kasoo horjeestaay xilka qaadistaas,isaga oo sheegay inay tahay mid Sharci darro ah,isla markaana Madaxweyne Waare uusan xilka ka qaadi karin.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan xalay loogu Magacaabey markii Saddexaad Cali Jeyte Cismaan.

Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali muxumed Carraale oo shir Jaraa’id ku qabtey Beledweyne ayaa sheegay in xilka qaadista lagu sameyey ay tahay mid Sharci daro ah,isla markaana isaga uu yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hadalka Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee diidmada ku saabsan ayaa waxaa uu khilaaf Cusub ka abuurayaa Gobolka Hiiraan,iyaa oo ay xusid mudan tahay in xilligii Guddoomiyaha G/hiiraan loo Magacaabey xilka qaadis lagu sameeyey Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed uu diidey,waxaana khilaaf xoogan uu Beledweyne ka taagnaa in ka badan Bil,kaasoo ugu dambeyn la xaliyey.

About Author