Post View....

DHAGEYSO:Amar siweyn ugu farxi donaan caruurta Muqdisho oo laga soo saaray Covid 19

0
60

Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in la xirayo  Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka si looga hortago Cudurka COVID 19.

Shir Jaraa’id oo WWarbaahinta ugu qabtey Muqdisho ayuu ku sheegay in Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta ay mas’uuliyad ka saarantahay qaadashada kaalinteeda ilaalinta badqabka & caafimaadka bulshada.

“Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid1 ayuu yiri” Wasiirka.

Horay dowladda Soomaaliya waxaa ay u xirtey goobaha Waxbarashada,sida Iskuulada iyo Jaamacadaha si looga hortago faafida Cudurka Coronavirus oo Saddex Kiis laga helay Soomaaliya.

About Author