Post View....

Ex Ra’iisal Wasaare Nuur Cade Oo Cusbitaal La Dhigay & RW Xasan Kheyre Oo…

0
70

Ra’iisal Wasaarihii hore Ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa La dhigay Cusbitaal ku yaalla Magaalada London Ee Caasimada Dalka Ingiriiska.

Nuur Cade ayaa Eheladiisa waxay xaqiijiyeen in Maalintii Afaraad ay u tahay xilli Cusbitaalka lagu hayo.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xilligaan Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa si kooban uga hadlay Xaalada Nuur Cade isagoo Caafimaad Alle uga rajeeyey Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya.

Bilderesultater for Nuur cadde

Idaacad Ku taalla Muqdisho ayaa waxay baahisey in Cudurka Corono laga helay Ra’iisal Wasaarihii hore Ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) iyadoo Xaaladiisa hadda la baxnaaninayo.

Ma heyno Il rasmi ah oo Xaqiijisey in Cudurka COVD 19 laga helay Nuur Cade,iyadoo Siyaasiyiin ay isku beel yihiin ayaa waxay sheegeen inaysan ogeyn Xanuunka haya Ra’iisal Wasaarahaasi.

About Author