Post View....

Dowladda Somalia oo Dhaqaatiir & Gaadiid horleh geysey Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde & Cabsida cudurka

0
82

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somaaliya ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho way geysay dhaqaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad iyo gawaarida Gurmadka dag-dagga ah.

Arrintaan ayaa ka dambeysay sida ay shaacisey Wasaaradda,kadib markii shalay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ay fasaxdey muddo laba maalmood ah duulimaadyada Caalamiga ah.

War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay ee ka midka ah liiska hoose la gelinayo karantiil mudo 14 beri ah oo ka bilaabanaysa marka ay wadanka soo gaaraan iyada oo sidoo kale la hubin doono bad-qabka muwaadiniinta kale ee ka imaanaya wadama aan ku jirin liiska hoose lana siin doono talooyin caafimaad.

Hoos Ka Akhriso Magacyada dalalka dadka ka yimaada muddo 14 Maalin ah la karantiili doono.

  1. Shiinaha
    2. Yurub
    3. Maraykanka
    4. Koonfurta Kuuriya
    5. Australia
    6. Canada
    7. Turkiga
    8. Iiraan
    9. Pakistan
    10. Masar
    11. Hindiya
    12. Imaaradka Carabta
    13. Malaysia
    14. Sacuudiga
    15. Koonfur Afrika

 

About Author