Post View....

DEG DEG:Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Goordhow Gaaray Dhoobley & Abaabul Ciidan oo halkaasi ka jira

0
47

War Goordhow soo gaaray badweyntimes Xafiiskeyna ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaan in Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Garoonka diyaaradaha Dhoobley ayaa waxaa Wasiir Cabdirashiid Janan kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbalabnd iyo Saraakiil kamid ah Ciidanka Daraawiishta maamulkaas.

Wasiirka amniga Jubbaland oo baxsad ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu Dhoobley inta uu ku sugan yahay uu kula kulmi doonaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dhawaan gaaray halkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Wasiir Janan iyo Madaxweyne Axmed Madobe ay ka wada hadli doonaan Arrimo kala duwan oo ku aadan Jubbaland iyo xaalada Gobolka  Gedo.

Wasiir Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo Ciidamo badan oo isaga taabacsan ayaa bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, iyadoona ay xusid mudan tahay in Ciidanka Wasiirka iyo kuwa dowladda Federaalka uu dhexmaray dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

About Author