Post View....

DF oo war cusub kasoo saartay afar qof oo Muqdisho loogu karantiilayey Coronavirus

0
76

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta lasii daayey afar qof oo ay wasaaraddu horay u karaantiishay, xilli ay kasoo degeen garoonka Muqdisho, iyagoo ka yimid dalka dibadiisa.

Afarta qof ayaa looga shakisanaa in ay qabaan cudurka Coronavirus, waxaana lagu hayey oo ay dowladdu ku karaantiishay cisbitaal ay leedahay AMISOM.

Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in go’aanka ah sii deynta afartaan qof ay qaadatay kadib markii la baaray oo laga waayey cudurkii looga shakisanaa ee Coronavirus.

Sidoo kale afarta qof ee lasii daayey waxaa ku jira ruux horay baaritaan loogu sameeyey oo laga helay Coronavirus, balse markii dambe  laba baaritaan oo kale looga waayey cudurkaas.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay seddaxda qof ee kale mid laba baaritaan lagu sameeyey, isla markaana laga waayey cudurka Coronavirus.

Ugu dambeyntii qoraalka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka oo ku qornaa luuqadda English-ka ayaa lagu xusay magacyada afarta ruux ee maanta la fasaxay kadib markii gabi ahaanba laga waayey cudurka Coronavirus, oo shaki la xiriira ay maalmihii lasoo dhaafay u karaantiilnaayeen.

Dowladda Soomaalitya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa horay u shaacisay in tirada guud ee kiisaska la xiriira Coronavirus ee dalka laga helay ay gaarayaan illaa seddax ruux oo mid qandaraasle UN-ka ka tirsan yahay, balse waxaan cadeyn in tiradaas uu ku jiro qofka maray seddaxda baaritaan lee labadii dambe looga waayey cudurka, ee ku jira dadka galabta la fasaxay.

About Author