Post View....

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Kulan Laqaatay Wakiilka Qaramada Midoobey Iqaabilka Soomaaliya

0
143

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan.

Wasiir Cawad ayaa James Swan kala hadlay iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida, waxa kale oo ay isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu markale ku celiyay taageerrada dalkiisu u haayo dadaallada Wakiilka Gaarka ah iyo qorshaha howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

About Author