Post View....

Kenya Oo ICJ Ka Dalbatay in Garsoore Cabdiqawi Laga Saaro Kiiska Badda

0
125

Bishan September 9-keeda dalka Soomaaliya wuxuu dood iyo difaac la hortagi doonaa Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ oo ku taalla dalkan Holland,iyadoo lagu wado inay dib uga bilaabato dhegeysiga kiiska Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhexeeysa Soomaaliya,iyadoo Codsatay in dhageysiga kiiska Badda laga saaro Garsoore Cabdi Qawi Axmed Yuusuf oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ,isla markaana ah Nin Soomaali.

Hay’add la magac baxay PAF oo sheegtay inay u doodo arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika ayna Madax ka yihiin dad Kenyan ah ayaa Xustay in Kenya ay dooneyso in Garsoore Cabdi Qawi laga reebo dhegeysiga kiiska Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Hay’adda PAF oo uu Guddoomiye uu ka yahay David Matsanga,isla markaana u dhashay Kenya ayaa waxaa uu sheegay Cabdi Qawi uusan si dhex dhexaad ah u geli karin kiiska Badda ee labada dal ayna niyaddiisu la jirto Soomaaliya,sidoo kalena dhowr jeer oo hore fargaaro uga sheegay in uu jecel yahay Somalia.

Ugu dambeyntii Guddoomiye David Matsanga ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in aysan ka qeyb gelin dhegeysiga kiiskan badda ee horyaalla Maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ.

Dhanka kale 9-ka Bishan September ayaa Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ waxaa dib uga bilaaban doonta dhegeysiga kiiska Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

About Author