Post View....

RW Kheyre Iyo Xildhibaanada Mucaaradka Oo Ka Shiray Dhismaha Galmudug

0
149

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin uu kamidyahay C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo isagu dhawaantay isu sharaxay doorashada Galmudug, iyadoo ay wehliyaan Xildhibaano Saaxibadiisa ah oo ay kawada tirsan yihiin Xisbigada UPD, kana soo jeeda dowlad goboleedka Galmudug.

Kulankan ayaa kusoo beegmay kadib markii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu isugu yeeray Siyaasiyiintan, si ay uga wada tashadaan arrimaha geedi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii Maamul loo dhan yahay loogu dhisi lahaa Galmudug, isla markaana dowladda doorkaas u hoggaamiso si cadaalad ah, si ay meesha uga saarto kalsooni darada laga qabo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hoggaaminayay dadaalada la doonayo in Maamul loo dhan yahay Galmudug,, waxaana socdaal qaatay muddo bil ah uu ku tagay deegaanada Galmudug.

Hase ahaatee dowladda Federaalka ayaa wajaheysa culeysyo uga imaanaya Mucaaradka, oo xilligan fursad naadir ka dhex arkay doorashada Galmudug, iyagoo la soo shirtagay Musharax ay ku mideysan yihiin oo deegaanka saameyn ku leh.

Dowladda Federaalka ayaa weli soo bandhigin Musharaxii ay ula shirtagi laheyd Doorashada Galmudug, waxaana arrinta ugu weyn ee la hadal haayo ay tahay cida dowladdu ay miiska u saaran doonto oo u babac dhiga Musharax Xisbiga UPD wadato.

Musharax C/raxmaan Odawaa oo shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay Ololaha Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid noqon doono mid ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha, waxaana dad badan ku xusuustaan dadaaladii uu geliyay dhismihii Galmudug-tii Cadaado lagu dhisay.

 

About Author