
Ciidanka Hirshabeelle ayaa amniga Degmada Warsheekh kala wareegay Ciidamo ka tirsan AMISOM oo muddo 5-sanno iyo bar gacanta ku haayay,isla markaana halkaas ku lahaa Saldhig Ciidan.
Munaasabadda amni wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meeyre Makaraan (Axmed Faal),Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeella G/sare Xasan Dhicisoow, siihayaha Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) iyo saraakiil kale.
Dad ku sugan Warsheekh ayaa sheegay in Ciidankii AMISOM ee ku sugnaa halkaas ay gebi ahaan ka guureen,isl markaana waxaa fariisimihii ay lahaayeen degay Ciidanka Booliska Hirshabeelle.
Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay kamid tahay Degmooyinka ugu amniga wanaagsan ee ku yaalla Gobolkaas.