Post View....

Qasaaro Kadhashay Qarax Kadhacay Degmada Awdheegle Ee Gobalka Shabeelaha Hoose

0
121

Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miinno lala eegtay dad ka shaqeynayay olole nadaafadeed.

Qaraxa ayaa ayaa ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay dad sida lagu waramayo howlanaa  jarista geedo ku baxay meel aan ka fogeyn fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay inta Labo ruux oo ka mid ahaa dadkii ka shaqeynayay gurista geedaha waxaana dadka dhintay la sheegay in uu ka mid ahaa Nin magaciisa lagu sheegay Axmed Sheekh Cali oo deegaanka siweyn looga garanayay, sidoo kale waxaa waxaa qaraxan ku dhaawacmay Shan ruux.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla saldhig ay dhawaan  halkaasi ka sameysteen ciidamo ka tirsan kuwa Kunaandoosta Soomaaliya ee  degmadaasi la wareegay,waxana la sheegay in dadka qaraxa lala eegtay ay  wadeen howlo ay geedaha uga jaraan agagaarka saldhiga.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Awdheegle oo qaraxa uu ka dhacay, mana ah markii ugu horeysay oo sidan oo kale miino lala eegto dad ka shaqeynaya olole nadaafadeed.

About Author