Post View....

Madaxweynihii Hore Ee Masar Wiilkiisa Oo Udhintay Wadne Xanuun

0
122

Warbaahinta Masar ayaa tebisay in uu wadne xanuun ku soo booday uu u geeriyooday, Cabdallah Maxamed Mursi, oo ahaa ka ugu yar wiilasha uu dhalay Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi.

Warbaahinta iyo bogaga kuwa bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka ah oo u janjeedha dhanka ururka Ikhwaan Al-Muslimiin ayaa sheegay in Cabadallah Maxamed Mursi uu ku dhintay Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal degmada Xadaa’iq Al-Ahraam ee gobolka Al-Jiisa.

Sida ay wararku sheegeen wiilkaa uu dhalay madaxweynihii hore isaga oo baabuur wata ayaa si lama filaan ah wadne xanuun ugu soo booday dhakhaatiirtuna way badbaadin kari waayeen.

Geeridiisa ayaa imaaneysa xilli bishii Juun uu aabihiis Maxamed Mursi uu geeriyooday xilli uu ku sugnaa maxkamad ku taalla magaalada Al Qaahira.

 

About Author