Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka isaga oo noqday Wasiir iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.”
Share Your Comments.