Post View....

Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab oo shaqa joojin lagu sameeyay, Maxaa sababay?

0
158

Guddoomiyihii degmada Xamar-jabab ee gobolka Banaadir Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orange) ayaa shaqada laga jooiyey ka dib amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Shaqo joojinta lagu sameeyey Guddomiyihii degmada Xamar Jajab ayaa waxaa  allbanaadir online u xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Si rasmi ah looma oga sababta keentay shaqo joojintan balse wararka qaar ayaa sheegaya in sababtu tahay markii uu Warbaahinta u ogolaaday iney duubtaan qaraxii habeen hore ka dhacay agagaarka dugsiga tababarka booliiska ee Gen. Kaahiye.

Ismaaciil Orange oo horey uga tirsanaa weriyeyaasha warbaahinta ku hadasha codka dowlada ayaa xilka guddoomiyaha degmada Xamar jajab loo magacaabay dhowr bilood ka hor, isagoo ka mid ah noqonaya qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho oo horey shaqada looga fariisiyey markii lagu eedeeyey iney galeen qaladaad kala duwan.

About Author