Post View....

Dowlada Federalka oo faahfaahin ka bixisay howlgalada ka socda Muqdisho

0
200

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa tilmaamtay in howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ay qeyb ka tahay qorshe balaaran oo lagu sugayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Zakiya oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta Taliska ciidanka booliska ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay saddexdii maalin ee la soo dhaafay caasimadda ka sameeyeen howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

“Saddexdii maalin ee la soo dhaafay ciidamada booliska waxa ay caasimadda ka wadeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, kuwaasi oo laga fuliyay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, waana howlgallo sii socon doono, intii howlgalladan socdeen waxaa lagu soo qabtay dad looga shakisan yahay inay la shaqeyaan argagixisada” ayay tiri Zakiya oo hadalkeeda ku dartay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen xubin qabe ka tirsan Al-Shabaab oo dil u geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa ka tacsiyadeysay dil maanta Muqdisho loogu geystay mid ka mid ah wadayaasha mootada Bajaajta loo yaqaan oo askari ka tirsan ciidanka minishiiibiyada uu ku dilay Muqdisho, waxaana ay intaa ku dartay in maxkamad lala tiigsan doono askarigaas.

“Ciidamada howlgallada ka wada caasimadda waxaa la faray inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed oo ah kuwa ay u taaganyihiin sugidda ammaankooda, waxaana shacabka uga mahadcelineynaa dulqaadka ay muujiyeen” ayay tiri Zakiya.

 

About Author