Post View....

Madaxweynaha Puntland oo Booqasho Ku Tagay Magaalada Boosaaso.

0
179

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay degmada Carmo ayaa waxaa magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar kamid ah Goleyaasha dowladda Puntland iyo boqolaal kamid ah shacabka magaalada Boosaaso. Madxaweynaha ayaa meel fagaaro ah kula-hadlay shacabkii soo dhoweeyey, isagoona ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga gobolka, iskana kaashadaan sidii Boosaaso amnigeeda, horumarkeeda, bilicdeeda iyo wadajirkeedu taam u noqonlahaa.

“Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweynta balaadhan ee ay noo sameeyeen aniga iyo weftigayga maamulka gobolka, kan degmada iyo shacabka reer Boosaaso, runtii waxaa waxlaga xumaado ah in dad cadaystey dadkeena biri-magaydada ah inay horteena ku qashaan oo uu ugu danbeeyey Suldaan bashiir Muuse Koonte oo runtii ahaa Suldaan Qiime weyn ugu fadhiya bulshada Soomaaliyeed meel kastay joogaanba oo ka qayb qaadan jirey nabadda, ciddii falkaas geysatey iyo kuwii ka horeeyeyba ee lagu diley maareeyihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O iyo inta la mid ka ah ee ka shaqaynaayey horumarka wadankan, dadkii falays saasi ula jeedadoodu waxay ahayd nolosha Puntland inay gooyaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Waxaan balanqaadaynaa inaan si adag uga hortegayno dadka doonayo inay dadkeena dhibaateeyaan ee nolosheena wax u dhibaya, waxaan rajaynayaa Boosaaso iyo guud ahaan Puntland inay kusoo noqoto nabaddii lagu naaloonjirey ee caanka ku ahayd, oo burburkii hoyga u noqotay ummad Soomaaliyeed oo tiro badan, waxaan gacan furan kusoo dhoweynaynaa cid kasta oo danaynaysa inay ku noolaadaan Puntland kuna siyaadinaysa horurmar” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cadeeyey in shacabka iyo dowladda Puntland diyaar u yihiin difaacidda dalkooda iyo dadkooda, isla markaana aanay u dulqaadanayn intaasi ka badan dad meel kale ka yimi oo nabadgelyadooda wax u dhima, Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in xukuumaddan cusub ee hadda curatay saldhiggeedu yahay isla xisaabtan, waxqabad iyo wada jir in lagu gaaro horumar taama.

About Author