Post View....

Hussein “Mo Faarax” oo daqiiqadihii udambeeyay ka haray tartankii London Marathon.

0
291

Hussein Abdi Kahin oo aad loogu yaqaano magaca “Mo Farah” ayaa ku khasabanaaday inuu uu ka haro tartanka marathon-ka ee lagu wado inuu Axadda ka dhaco magaalada London sababo la xiriira dhaawac kasoo gaaray sinta, iyada oo tani sii kordhineyso shakiga 39-sano jirkan ee ka qeybgalka tartamada mustaqbalka.

Ciyaaryahanka afarta jeer ku guuleystay billada dahabka ee Olombikada ayaa lagu waday inuu ordo tartankan markii ugu horeysay tan iyo 2019 kadib markii uu ku soo laabtay orodka, isaga oo ku fashilmay isku daygiisii ka qeybgalka Olombikada sanadkii hore ee Tokyo.

“Runtii si adag ayaan u tababaranayay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana kusoo laabtay qaab ciyaareed wanaagsan. Waxaan dareemayay rajo wanaagsan oo ah inaan soo bandhigi karo qaab ciyaareed wanaagsan,” ayuu Faarax ku yiri bayaan ay soo saareen qaban-qaabiyeyaasha marathon-ka London Arbacadii.

“Si kastaba ha ahaatee, 10-kii maalmood ee la soo dhaafay waxaan dareemayay xanuun iyo ciriiri xagga sinta midig ah, waxaan helay jirdhiisiyo iyo daawayn ballaaran, waxaanan sameeyay wax walba oo aan kari karo si aan orodka uga qeybgalo, laakiin ma helin is bedel ku filan oo aan ku tartami karo Axadda.” ayuu raaciyay Mo Faarax.

Faarax waligiis kuma guuleysan tartanka Marathon-ka ee London saddex isku day oo hore, waxaana ka qeybgalkiisii ugu wanaagsanaa uu ahaa sanadkan 2018 markaas oo uu galay kaalinta saddexaad.

Horyaalka dalka Itoobiya ee Sisay Lemma iyo ninka ay isku dalka yihiin ee Kenenisa Bekele oo ah orodyahanka labaad ee ugu orodka dheereeya taariikhda marathon-ka ayaa ka mid ah kuwa ugu cadcad tartanka ragga.

Magaca Mo Faarax

Orodyahanka afarta jeer ku guuleystay Olimbikada Mo Farah ayaa shaaca ka qaaday in si sharci darro ah lagu soo geliyay dalka Britain, isagoo ka yimid dalka Jabuuti, isagoo wata magac ilmo kale. “Runtu waxay tahay anigu ma ihi qofka aad u malaynayso inaan ahay,” ayuu 39-jirkan Faarax u sheegay BBC-da filim dokumentari ah oo lagu magacaabo “The Real Mo Farah.”

Faarax, oo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee British ah oo ku guulaysta afar dahab oo Olombikada ah, ayaa sheegay in caruurtiisu ay ku dhiiri galiyeen inuu ka run sheego taariikhdii uu soo maray, waxaanu yidhi “Runtii waxa aan ku dhashay Somaliland, waqooyiga Soomaaliya, anigoo ah Xuseen Cabdi Kaahin. “ayuu u sheegay BBC-da. “Inkasta oo aan hore u idhi, waalidkay waligood kuma noolayn UK ​​”Markii aan afar jir ahaa aabahay ayaa lagu dilay dagaaladii sokeeye, waxaad ogtihiin qoys ahaan inaan kala tagnay.

Aniga iyo hooyaday ayaa la i kala tagay, waxaana si sharci darro ah la igu soo galiyay dalka U.K, iyadoo magaca ilmo kale oo Maxamed Faarax la yidhaahdo.” Intii uu socday Documentary-ga, Faarax waxa uu sheegay in uu u malaynayo in uu Yurub u aadayo si uu ula noolaado qaraabadiisa, waxana uu dib u xusuustay in uu marayey Baasaaboor British ah oo uu ku qarinayey Maxamed isaga oo sagaal jir ah ka dib markii uu la safray gabadh aanu hore u aqoon. “Waxa aan haystay dhammaan xogta qaraabadayda, markii aan gaadhnay gurigeedii, ayay islaantii iga soo bixisay oo hortayda ku jeexjeexday oo ay ku ridday qashinka, isla markaana waxa aan ogaaday in aan dhibaato haysto.

Orodyahanku waxa uu dib ugu laabtay gurigiisii ​​yaraantiisii ​​ee galbeedka London, isaga oo dib u xasuustay “Xusuus aad u wayn” oo aan loola dhaqmin sidii qayb qoyska ka mid ah. Watkinson waxa uu codsaday in uu qaato dhalashada Ingiriiska, taas oo uu ku tilmaamay in ay ahayd mid dheer. Faarax waxa loo aqoonsaday inuu yahay muwaadin British ah sannadkii 2000.

About Author