Post View....

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo sheegay in dowladda ay ka go’antay qabsoomidda doorashada+Sawirro

0
89

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo isna ka hadlay shirka ayaa ka mahadceliyay shacabka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, isagoo ka hadlay saddex qodob oo kala ah Dastuurka, Federaalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Mudane Mahdi Maxamed Guulkeed ayaa xusay in Dastuurka KMG ah uu yahay hagidda aas aasiga iyo jiritaanka sharciga, isla markaana uu yahay heshiis wax wada ogol ku saleysan

Mar uu ka hadlayay arimaha Federaalka waxa uu tilmaamay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay uu yahay mid ku saleysan shanta Maamul Goboleed, caasimadda iyo sidii Somaliland loogu soo dabaali lahaa hannaanka dowladnimada Soomalaiya.

Arrimaha doorashooyinka oo uu ka hadlay ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka tilmaamay in dowladda ay diyaar u tahay dhaqan gelinta hannaanka doorashooyinka dalka.

About Author