Post View....

Korneel Saneey Cabdulle Oo Ciidan lagu hareereeyey & Diyaarad la…

0
86

Deegaanka Gubadleey Ee Degmada Kaaraan oo xero Talis u ah Korneel Saneey Cabdulle Gaab ayaa waxa tegay ciidamo katirsan kuwa Gor Gor.

Warar la helayo ayaa xaqiijinaya in halkaasi ay tageen ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka deegqanka Gubadleey halkaasna ay fariisin ay ka sameysteen.

Sidoo kale galinkii dambe ee maantoo Axad aheyd ayaa ciidamo kale oo Isla Gor Gor katirsan ayaa gaaray Isla deegaankaasi.

Korneelka ayaa markii ciidmada ay tegeen Gubadleey waxaa lagu Amray in uu soo wareejiyo Guutada 4aad Oo katirsan Xoogga Dalka qeybta 27aad oo uu taliye u yahay ama uu gacanta Dowlada kusoo wareejiyo Saraakiil ciidan oo Dowlada ay baadi goobeyso.

Korneyl Saneey Cabdulle ayaa u sheegay ciidankii utegay inuusan soo qaban Karin saraakiisha lawaydiistay uuna soo gacan galin karin Oo iyagu raadsadaan.

Saraakiisha dowlada ay baadi goobeysa ayaa kala ah.

Cusmaan Xaadoole.

Abuukar Boonoow.

Korneel Masdile.

Maxamed Joore.

Korneyl Saneey Cabdulle Gaab oo wata ciidamqda uu taliye u yahay ayaa ku sugan maalmahaan dambe deegaanka Galgalato oo u dhaw Isla gubadley.

Xaalada Gobolka Shabellaha dhexe iyo kan degmooyinka wuqooyi ee gobolka Banaadir ayaa dadka deggan cabsi ku jiraan wixii ka dambeeyay dagaalkii fagax iyo kii ka dhacay saldhiga kaaraan maalmo ka hor.

Waxaa deegaanada Ceelka Geeloow iyo degmada balcad lagu soo waramaya in ay dul heehabaysay galabta diyaarad nuuca dagaalka ah.

Goobta diyaaradaan ay dul heehabaysay ayaa waxaa ku sugan Saraakiisha dowlada ay baadi goobeyso.

Korneyl Saneey Cabdulle Oo ku heyb ah Saraakiisha la raadinayo ayaa maalmahan la shirayay Mas’uuliyiin kala duwan basle,Lama oga in Korneyl Saneey iyo ciidamda la ladajiyay ay dhexmari doonto iyo waxa Dabagalka isaga loogu hayo.

 

About Author