Post View....

Jawaano Qaraxyo ka buuxaan Oo Goordhaw lagu qabtay Galmudug

0
72

Ciidamada amniga Galmudug ayaa howlgal kusoo qabtay waxyaabo Qarxa Gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Wasaarada Amniga Galmudug ayaa sheegtay in jawaano ay Qaraxyo ku jireen lasoo qabtay.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwo la.doonayey in la farsameeyo Oo gaadiid lagu xiro balse ciidamada ayaa ka hortegay Oo qabtay.

Faah Faahin intaas ka badan lama bixin iyadoo Ciidanka ay sheegeen inay sii socon doonaan howlgalada Amniga lagu sugayo Magaalada Gaalkacyo.

Toban cisho ka hor Gaalkacyo Koonfurteeda waxa lagu dilay Qarax ismiidaamin ahaa Saraakiil katirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Shacab isku diyaarinayey inay Wafdi Ra’iisal Wasaare Rooble soo dhaweeyaan.

 

About Author