Post View....

Ingiriiska oo Malaayiin Gini ugu deeqaya Soomaaliya.

0
90

MUQDISHO:-Xukuumadda Ingiriiska ayaa Soomaaliya u ballanqaadday 5 milyan oo giniga istarliinka lacagtaas oo lagu caawin doono 100.000 oo qof oo macaluuli heysato.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa sheegtay in lacagaahas ay Soomaaliya u soo marin doonto Barnaamijka Cunnada Adduunka.

Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Soomaaliya ayaa sheegtay in kaalmadan ay ka faa’iideysan doonto Soomaaliya xilli dunidu ay ka jirto xaalad bani aadannimo oo aad u daran.

Safaaradda ayaa sheegtay in shanta milyan ee gini wax looga qaban doono xaaladda bani aadannimo ee heysata 139.000 oo qof kuwaa oo looga caawin doono dhanka dhanka cunnada, biyaha iyo hoyga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Dominic Raab ayaa sheegay in xanuunka Korona uu malaayiin qof oo dunida ku nool baday nolol adag isaga oo intaa ku daray in cawimaaddan cusub ay ka fududeyn doonto dhibaatooyinka dadkaasi heysta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu rajo kaqabo in ay soo baxaan deeqbixiyeyaal kale oo gacan ka geysta in macaluusha dunidu yaraato.

About Author