Post View....

Ciidamo Hubeysan Oo Muqdisho Lagu soo daadiyey & Ujeedkooda

0
66

Magaalada Muqdisho waxaa qeybo ka mid ah lagu daadiyey ciidamo katirsan Kuwa Meliteriga Soomaaliya.

Ciidanka ayaana weli Dawlada faah faahin ka bixin ujeedka askartaan loo dhigay xaafadaha qaar Muqdisho.

Askartaan Oo maanta barqadii bilaabay inay garaashyada Gaadiidka lagu xareeyo baaritaan ku bilaabaan xaafado katirsan Degmada Hodan.

Saraakiisha Qaar ciidamada hogaaminayey ayaa usheegay dadka meelaha la baaray lahaa in ay amniga sugayaan.

Ciidamada ayaa dad badan howlgal ku qabtay xalay ilaa maanta inkastoo badankood lasii daayey.

Wararkii udambeeyey ayaa sheegaya in ciidanka Markii dambe iskaga laabteen meelihii la geeyey.

 

About Author