Post View....

XOG: Xaaf oo shuruud ku xiray inuu aqbalo maamulka cusub ee Qoor Qoor

0
73

Xaaf oo wali sheegta madaxweynaha Galmudug ayaa ku adkeysanaya inuusan la heshiineyn madaxda cusub ee maamulka Galmudug oo fadhigeedu uu yahay magaalada Dhuusaramareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa kulan ay la qaateen madaxweyne Xaaf waxay kala kulmeen waji gabax,iyagoona ku hungoobay ujeedkoodii Gaalkacyo,wuxuuna Xaaf heshiiska Qoor Qoor ku xiray shuruudo adag.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa  sheegay in Xaaf uu doonayo inuu saameyn ku yeesho maamulka cusub,taas oo haddii uu aqbalo Qoor Qoor xal laga gaari karo khilaafka jira.

Inta badan saamileyda siyaasadda Galmudug ee mucaaradka ahaa ayaa hadda bilaabay iney la heshiiyaan maamulka cusub ee Galmudug,waxaana madaxweyne Qoor Qoor uu gogol nabadeed uu fidiyay magaalada Dhuusamareeb.

Dowladda Federaalka ayaa dagaal dhiig badan ku daaday ka dib meesha ka saartay maamulkii Ahlu suna oo mudo ka talinayay gobolada dhexe ee dalka.

About Author