Post View....

Xog: Sababta Somaliland u qarineysay kiisaskii ay dib ka shaacisay ee Coronavirus

0
67

Xukuumada Somaliland ayaa habeen hore xaqiijisay in deegaanadeeda laga helay labo qof oo qaba cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Covid-19 ama Coronavirus, inkasta oo ay hore usii ogeyd.

Somaliland ayaa sheegtay in labadaasi qof ay kala yihiin Nin Shiineys ah iyo mid kale oo Muwaadin reer Somaliland ah oo haysta dhalashada Ingiriiska, kuwaasi oo ku kala sugan magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Haddaba, Sida ay ogaatay Badweyn Online, Xukuumada Muuse Biixi ayaa Kiisaskan qarineysay muddo dhan labo maalin, taasi oo ay mas’uuliyiintoodu isku khilaafsanaayen in la shaaciyo iyo in si hoose loo Karantiilo oo aan bulshada loo sheegin Kiisaskaasi.

Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa isagu ku adkeystay inay waajib tahay in bulshada lala socodsiiyo in Kiisaskaasi la helay, si ay usii labo jibaaran taxadarkooda ku aadan fayruska Corona, oo ah halis caafimaad oo ku soo korodhay dunida.

Sida ay xogta ku heshay Badweyn Online, Wasiirka ayaa isagoo ka duulaya tayada caafimaad ee Somaliland qaatay in uu bulshadu si iskood ah isku bad-baadiyaan, walow ay arrinkaasi markii hore ku diidaanayeen xubno ay ka wada tirsan yihiin Guddiga uu Madaxweyne Biixi u magacaabay u diyaar-garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus.

Muran dheer kadib ugu dambeyntii Wasiirka caafimaadka ayaa abeen iskugu yeeray warbaahinta magaalada Hargeysa si uu ula wadaago halista soo wajahday deegaanadooda, midaasi oo hore looga digay, maadama ay Xukuumada ka dhago adeygaysay inay xirto madaarka Hargeysa, isla markaana damiin ahaan kusii deysay dad ka yimid dibada, sida ay dhowaan baahisay Badweyn Online.

Inkasta oo ilaa hadda si rasmiya loo ogeyn in Labada Kiis ee xukuumadu sheegtay ay ka badan yihiin Kiisaska Coronaha ee deegaanadeeda, ayaa haddana waxa soo if-baxeysa suurto-galnimada ay Xukuumada Biixi ku qarin karto Kiisas hor leh oo Coronavirus ah, si loo yareeyo cabsida bulshada iyo dhaliilaha uga imanaya.

Xukuumada Somaliland ayaa muddooyinkii dambe waxa loo soo jeedinayey in si weyn uga hortagto cudurkan, isla markaana ay qaado talaabooyin dhowr ah oo ay ku bad-baadineyso shacabkeeda, maadama aysan laheyn adeeg caafimaad oo tayo leh.

About Author