Post View....

XOG: Amniga Dhuusamareeb Oo La Adkeeyay & Xaaf Oo Ku Wajahanku

0
70

Sida wararku aanu ku heleyno,madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta oo Axad ah la filayaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Muddooyinkii dambe waxaa Gaalkacyo ka socday kulumo u dhaxeya Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka soomaaliya,kaas oo ku qotomay sidii xal looga gaari lahaa khilaafkii ka dhashay doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Qoor Qoor.

Xildhibaanada Federaalka ee laga soo doortay Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyay waday dadaalo la isugu soo dhoweynayo siyaasiyiinta Galmudug eek u kala fogaaday siyaasadda.

Xaaf ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmaya madaxweynaha dooran ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “ Qoor Qoor” si loo dhammeystiro heshiis laga gaaro khilaafka Galmudug.

 

 

About Author