Post View....

XF Soomaaliya oo war ka soo saartay fal arxan darro ah oo ka dhacay Afgooye

0
73

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si adag uga hadlay kufsi arxan darra ah ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiir Maareeye ayaa falkaasi aadka u xanuunka badan, islamarkaana loo geystay labo gabdhood oo aad u da’yar wuxuu u cambaareeyey si xoogan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qofka geystay ficilkaasi uu yahay wax magarad aan damiir Soomaaliyeed laheyn.

“Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa ficilka wuxuushnimada leh oo ka dhacay degmada Afgooye oo lagula kacay Laba Gabdhood oo aad u da’yar, waa tacaddi iyo weerar oo loo geystay Magaca Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda federaalka ay ku raad-joogto dadkii ka dambeeyey falkaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in la marsiin doono cadaalada, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Labada gabdhood ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Aamino Muuse Axmed oo saddex jir sano ah jir ah iyo Sumayo Cabaas Cumar oo afar sano jir ah, waxaana haatan iyaga oo ku jira xaalad adag lagu dabiibayaa isbitaalka weyn, Madiina ee magaalada Muqdisho.

About Author