Post View....

Wasiir Khadiijo iyo Gud Cumar Filish oo mar labaad shaqo isku qabtay iyo Khadiijo oo kahor timid amar…

0
68

Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aan Xukuumada Soomaaliya ay ku dooneyso in ay Garoonka Muqdisho Studium ay noqoto Garoob lagu karantiilo dadka looga Shakiyo Cudurka Corona Virus.

Waxa ay sheegtay in Garoonka Muqdisho Studium uu ku socdo dayactir, islamarkaana uu marayo meel gabagabo si loo dhameystirana aysan macquul aheyn in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay keento dad looga Shakisan yahay Corona Virus.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in Garoonka ay ka howlgallaan Ciidamo ka badan 100 Askari iyo Shaqaalle isugu jira Soomaaliya iyo Ajnabi oo ku howlan dhismaha Garoonka iyo xaqiijinta Ammaankiisa.

Waxa ay sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin tilaabadda Xukuumadda ee ah in goobtaasi noqoto bar karantiil.

Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa yimid ka dib markii Agaasimaha Wakaaladda dhismaha Qaranka, Mas’uuliyiin ka socday Ciidanka Asluubta iyo Gobolka Banaadir ay shalay Shaaciyeen in goobtaasi ay noqon doonta goobaha karantiilka.

Dowladda Waxa ay sheegtay in Garoonka lagu karantiili doono ku dhawaad 500 oo ruux oo Ciidamo u badan , kuwaasoo laga soo celinaayo dalalka Jabuuti, Masar iyo Sacuudiga.

About Author