Post View....

Vedio:Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo ku geeriyooday London+Wararkii ugu danbeen

0
44

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay.

War saxaafadeed uu soo saaray wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayuu ku xaqiijiyay geerida aabihii, oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka Kings College.

Meydka Marxuum Nuur Cadde ayaa lagu aasi doonaa magaalada London, maadaama aanay suura gal aheyn in Soomaaliya loo soo qaado, si loogu aaso bacdamaa ay xayiran yihiin isu socodka duulimaadyada inta badan dalalka caalamka oo la tacaalaya ka hortagga cudurka Coronavirus.

Allaha u naxariistee Nuur cadde ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sanadihii 2007-2009, dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

#GEERI NAXDIN LEH

Ilaahay ha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday ra”iisul wasaarihii hore ee dalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) oo maalmihii dambe xanuunsanayay.Innaa lillaahi wa innaa ilaahi raajicuun.

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Wednesday, April 1, 2020

About Author