Post View....

Vedio:Kheyre Oo Ku Dhawaaqay In Ay Sii Xirnaan Doonaan Goobaha Waxbarashada

0
54

Raiisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Xafiiska Warbaahinta Kula hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tilaabooyin looga horragayo Cudurka Covid 19.

Kheyre ayaa amray in dhammaan la joojiyo kulamada dadweynaha Xafladdaha iyo dhammaan isku imaanshaha.

“Waa in aan aqbalnaa in aan ku jirno xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsannaa in caabuqa COVID-19 dhab yahay sidaas darteed waa in aan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno”ayuu yiri Kheyre.

Waxaa uu sidoo ku dhawaaqay in dhammaan duulimaadyadda iyo Goobaha Waxbarashada ay sii xirnaan doonaan ilaa Amar dambe.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

Waa in aan aqbalnaa in aan ku jirno xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsannaa in caabuqa COVID-19 dhab yahay sidaas darteed waa in aan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaa illaa amar dambe xiranaan doona: Duullimaadyada dibadda iyo gudaha,Waxaa illaa amar dambe sii xirnaan doona iskuulada, dugsiyada quraanka iyo jaamacadaha. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka . Cudurkan waxaa lagu kala qaadaa isu dhawaanshaha iyo istaabashada.

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Wednesday, April 1, 2020

About Author